Gudaha
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarig-jary mashaariic horumarineed oo muhiim ah

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay mashaariic horumarineed oo isugu jira waddo iyo xarumo dowladeed, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu dhagax-dhigay mashaariic cusub oo ay hirgelinayso Xukuumadda DanQaran.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu horreyn xarigga ka jaray waddo laami ah oo dhererkeedu yahay laba (2) kiiloomitir oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ka hirgeliyey Degmada Dayniile. Waxa uu Mudane Xamsa uga mahadceliyey maamulka iyo bulshada caasimadda hirgelinta waddadan muhiimka ah, oo fududeyn doonta isku socodka bulshada, gaar ahaan dadka u kala safra Gobolka Banaadir iyo Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana door ka qaadan doonta dib-u-soo kabashada kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in waddooyinku aysan ahayn oo keliya jidad la maro, balse ay astaan u yihiin horumar, bilic iyo dib-u-dhis qaran. Isaga oo bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo kaabeyaasha caasimadda.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xarriiqay in Muqdisho ay maanta ka gudubtay marxaladihii adkaa ee ay soo martay, isla markaana ay cagta saartay jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada. Waxa uu bulshada Soomaaliyeed ku nool caasimadda kula dardaarmay in ay ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida, maadaama ay tahay saldhigga horumar kasta.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo nadaafadda magaalada, isla markaana bulshada la baro laguna dhaqmo shuruucda isticmaalka waddooyinka, si loo xaqiijiyo badbaadada iyo kala dambeynta.
𝗦𝗶𝗱𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗲, 𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝘂𝗵𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝘂𝘂 𝘅𝗮𝗿𝗶𝗴𝗴𝗮 𝗸𝗮 𝗷𝗮𝗿𝗮𝘆 𝘅𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗮 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗲𝗲 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗕𝗲𝗲𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗪𝗮𝗿𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮, oo loo dhisay qaab casri ah, una dhiganta heerarka caalamiga ah.
Waxa uu ku ammaanay Wasiirka yo dhammaan shaqaalaha dadaalka ay geliyeen hirgelinta xaruntan. Waxa uuna ku boorriyey ganacsatada iyo beeraleyda Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan wax-soo-saarka gudaha, si Soomaaliya u gaarto isku filnaansho dhinaca cuntada ah, loogana maarmo waxyaabaha dibadda laga soo dejiyo ee dalka gudihiisa laga soo saari karo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in beeruhu ay ka mid yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka, isla markaana xorriyadda dhabta ahi aysan suurtagal noqon karin haddii dalku ku tiirsanaado cunnada dibadda laga keeno.
𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗼𝗼 𝘂𝘂 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗮𝗮𝗵-𝗳𝘂𝗿𝗮𝘆 𝗫𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗮 𝗤𝘂𝗿𝗯𝗮-𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo u adeegto qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool shanta qaaradood, kuwaas oo lagu qiyaaso in ka badan afar (4) milyan oo qof.
Waxa uu sheegay in xaruntani fududeyn doonto xiriirka dowladda iyo qurba-joogta, kana jawaabi doonto baahiyahooda iyo cabashooyinkooda, iyada oo la hirgelinayo Siyaasadda Qaranka ee Qurba-joogta oo ay hore u ansixisay Xukuumadda DanQaran.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku ammaanay qurba-joogta Soomaaliyeed kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin horumarka dalka, isaga oo xusay inay mar walba garab taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay muujiyeen adkaysi, ilaalinta diinta, dhaqanka iyo afka hooyo meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
𝗨𝗴𝘂 𝗱𝗮𝗺𝗯𝗮𝘆𝗻, 𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝘂𝗵𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝘂𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗴𝗮𝘅-𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆 𝗱𝗶𝗯-𝘂-𝗱𝗵𝗶𝘀𝗸𝗮 𝘅𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗲𝘅𝗲 𝗲𝗲 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗫𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗼𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮, 𝗗𝗵𝗶𝗿𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝗮𝗮𝗾𝗮, 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗮 𝗖𝗶𝗹𝗺𝗶-𝗯𝗮𝗮𝗿𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗫𝗼𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮. Waxa uu tilmaamay in xarumahaasi door muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in cilmi-baaristu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu horumarin karo tayada xoolaha Soomaaliyeed, isaga oo rajo ka muujiyey in mashruucan lagu dhammaystiri doono muddo dhow.
Furitaanka mashaariicda cusub ee la furay, qaarna la dhagax-dhigay, ayaa ku soo beegmay Soomaaliya oo u dabaaldagaysa sanad-guuradii 66-aad ee Xornimada dalkeenna, taas oo sanadkan lagu muujinayey horumar iyo isbeddel muuqda oo Xukuumadda DanQaran ay xaqiijisa










