Wararka
Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku soo dhaweeyay Safiirka Saldanadda Cumaan u fadhiya Soomaaliya, Mudane: Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo kobcinta iskaashiga dhinacyada beeraha, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Kulankaan ayaa ku soo beegmaya kadib booqashadii uu Wasiirka toddobaadkii hore ku tagay Saldanadda Cumaan, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Cumaan, oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Beeraha iyo kan Ganacsiga. kulamadaas ayaa lagu gorfeeyey fursadaha iskaashi ee labada dal, gaar ahaan horumarinta wax soosaarka beeraha, bacramiyayaasha, ganacsiga iyo is dhaafsiga khibradaha.
Dhanka kale, Safiirka ayaa muujiyey sida ay uga go’antahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Cumaan, isaga oo carrabka ku adkeeyey doorka uu ka qaadan doono horumarinta xiriirka labada dal iyo adkaynta iskaashigooda.
wuxuuna sidoo kale amaanay soo dhoweynta diiraneyd ee uu kala kulmay bulshada Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in markii uu Soomaaliya yimid uu dareemay sida in uu joogo dalkiisa, taas oo muujinaysa xiriirka walaaltinimo, isu-dhowaanshaha bulshooyinka iyo taariikhda wadaagga ka dhaxaya labada dal.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabku waxay muhiimad gaar ah siinaysaa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah, si loo helo fursado cusub oo lagu horumarinayo beeraha, korna loogu qaadayo wax soosaarka dalka, loona dhisayo nidaam cunto oo waara, kana jawaaba baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.



