Wararka
Taliyaha Ciidanka dhulka XDS oo booqday furimaha hore ee deegaannada Jameeco iyo Leego

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka ee deegaannada Jameeco iyo Leego, gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dagaallo kula galeen Khawaarijta Al-Shabaab.
Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa halkaasi kula kulmay taliyeyaasha ciidamada, iyaga oo ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalladii ugu dambeeyay, guulaha laga gaaray hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaaladda guud ee amniga deegaannada ay ciidamada ka wadaan hawlgallada.
Mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyey geesinimada, naf-hurnimada iyo dadaalka ay muujinayaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo u taagan ciribtirka Khawaarijta, xoreynta deegaannada iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, waxay ciidamada ku dhiirrigeliyeen inay sii laba-jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo caddeeyey garab-istaagga iyo taageerada ay u hayaan geesiyaasha ku jira safka hore ee dagaalka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa gaashaanka dalka iyo difaaca shacabka, guushooduna waa tallaabo muhiim u ah xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.



