Wararka
Labada Aqal ee Baarlamanka oo la hor geeyay miisaaniyadda Qaranka

Muqdisho-(SONNA)-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa labaad ee wadajirka ah, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.
Ajendaha kulanka wadajirka ah ee maanta ayaa waxa uu ahaa Akhrinta koowaad ee Xeerka Miisaaniyadda Dowladda ee 2027-ka oo gaareysa US$ 1,259,238,253 ( hal bilyan, laba boqol konton iyo sagaal Milyan, laba boqol sodon iyo sideed kun, laba boqol konton iyo sedax kun) oo isugu jirta Kharashka Joogtada ah iyo Kharashka Raasumaalka ah, taasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana Wasiirka Wasaaradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige uu mudanayaasha labada Aqalka la wadaagay Xeerka Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2027 iyo qeybaha ay ka koobantahay.
Intaasi ka dib, Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa su’aalo la xiriira Miisaaniyadda Dowladda ee 2027 weydiiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo dhankiisa ka jawaabay su’aalaha ay Xildhibaanada weydiiyeen.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiyada maaliyadda ee labada Aqal in ay soo diyaariyaan Akhrinta labaad dibna Golaha ugu soo celiyaan, si looga doodo, wuxuuna dhanka kale sheegay in fadhiyada Golaha hakad la geliyey muddo laba isbuuc ah, sababo la xiriira dhameystirka casriyeyn lagu sameynayo howlaha golaha.



