calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Gaashaandhigga oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sanad guuradoodii 66-aad

Wasiirka Gaashaandhigga oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sanad guuradoodii 66-aad
Wasiirka Gaashaandhigga oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sanad guuradoodii 66-aad — SONNA
Wasiirka Gaashaandhigga, JFS. Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 66-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in munaasabaddan ay xambaarsan tahay qiime qaran oo weyn, maadaama ay astaan u tahay taariikhda, halganka iyo doorka ciidanka ee difaaca dalka, ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Wasiir Fiqi ayaa adkeeyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo horumarinta nolosha ciidamada, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran si hufan.  
La wadaag