calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyey kulan looga hadlay Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyey kulan looga hadlay Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyey kulan looga hadlay Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka — SONNA
Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh),ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlay gudbinta Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdulqaadir Cali iyo Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Mudane Liibaan, ayaa diiradda lagu saaray dhammeystirka hindise sharciyeedka lagu hagayo maamulka goleyaasha deegaanka ee dhawaan la soo doortay. Hindisahan ayaa laga soo tashaday ururrada siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo sharci rasmi ah oo qeexaya habraaca iyo maamulka goleyaasha degmooyinka. Sidoo kale, xeerkan ayaa si cad u qeexaya xiriirka wada shaqeyneed iyo masuuliyadaha u dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka hoos yimaada, si loo xoojiyo hufnaanta maamulka iyo adeegyada loo fidinayo shacabka.  
La wadaag