calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo booqday fariisimaha CXD ay ku leeyihiin magaalada Waajid ee gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo booqday fariisimaha CXD ay ku leeyihiin magaalada Waajid ee gobolka Bakool
Taliyaha Ciidanka Xoogga oo booqday fariisimaha CXD ay ku leeyihiin magaalada Waajid ee gobolka Bakool — SONNA
Bakool(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin magaalada Waajid ee gobolka Bakool. Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa degmada Waajid ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, kuwaas oo warbixin ka siiyay xaaladda amni iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Ujeedka safarka Taliyaha ayaa ahaa dardargelinta howlgalada ka dhanka ah argagixisada iyo dhiirrigelinta geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan dagaalada dalka looga ciribtirayo argagixisada. Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan gaar ah la yeeshay odayaasha dhaqanka ee degmada Waajid, isagoo sidoo kale noqday taliyihii ugu horreeyay ee kormeer shaqo ku taga magaaladaas.  
La wadaag