calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis muhiim ah
Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis muhiim ah — SONNA
Muqdisho,(SONNA):- Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kala saxiixday heshiis is-dhaafsi fiiso oo u gaar ah dadka haysta baasaboorrada diblomaasiyadeed, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labo geesoodka ah isla markaana lagu fududeynayo wada shaqeynta diblomaasiyadeed ee labada dal. Heshiiskan ayaa la gaaray 2-da Abriil intii lagu guda jiray kalfadhigii labaad ee Guddiga Wadatashiga Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Suudaan, kaas oo ay si wadajir ah u guddoominayeen Mudane Xamse Aadan Xaadow, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Sooomaaliya iyo Danjire Muawiya Cismaan Khaalid Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo kobcinta awoodda hay’adaha, iyadoo sidoo kale la xoojiyay isku duwidda arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
La wadaag