calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

RW Xamsa oo warbixin ka dhageystay Wasiir Cabdiqaadir

RW Xamsa oo warbixin ka dhageystay Wasiir Cabdiqaadir
RW Xamsa oo warbixin ka dhageystay Wasiir Cabdiqaadir — SONNA
Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, taas oo ku saabsan horumar dalka uu ka gaaray dhanka gaadiidka badda. Warbixinta oo ay soo jeediyeen Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo khubaro ka socotay wasaaradda ayaa lagu soo bandhigay hannaan casri ah oo lagu diiwaangalinayo doomaha iyo maraakiibta saldhiggoodu uu noqonayo Soomaaliya, kuwaas oo qaadan doonna calanka Soomaaliya si tixraac u yeeshaan. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa madaxda wasaaradda ku boggaadiyay dadaalka ay sameeyeen, wuxuuna sheegay in hannaankan cusub uu Soomaaliya ka saarayo diiwaanka madoow ee xagga Gaadiidka Badda, isaga oo kula dardaarmay in howsha lasii dardargaliyo.
La wadaag