calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Qarax ay dad rayida ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

Qarax ay dad rayida ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho
Qarax ay dad rayida ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho — SONNA
Muqdisho(SONNA)-3 ruux oo rayida ayaa ku dhimatay halka 3 kale ay ku dhaawacantay maanta oo Khamiis ah qarax miino oo ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan ee gobalka Banaadir. Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta, Ismaciil Mukhtar Cumar ayaa u sheegay SONNA in Al-Shabaab ay bartilmaameeysteen dad rayida oo aan waxba galabsan oo saarna moota Bajaaj. "Qaraxa waxa uu dilay haweenay iyo cunugeeda oo mooto saaran iyo qof wadada marayey halka 3 ruux kale ay dhaawacmeen, waxaa meesha maray gaadiid nooca ciidanka ah ilbiriqsiyo ka hor qaraxa", Mr. Mukhtar ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay. Afhayeenka ayaa cambaareeyey qaraxa isagoo adeegsaday erayada uga adag,waxa uu intaasi ku daray in aan la dhalaysan fariimaha amni ee la xiriir bed-qabka waddooyinka la adeegsanayo.
La wadaag