calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Hoggaamiyaha koonfur Galbeed oo daah-furay Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed iyo Siyaasadda Xalka Waara

Hoggaamiyaha koonfur Galbeed oo daah-furay Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed iyo Siyaasadda Xalka Waara
Hoggaamiyaha koonfur Galbeed oo daah-furay Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed iyo Siyaasadda Xalka Waara — SONNA
Baydhabo(SONNA):- Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed iyo Siyaasadda Xalka Waara. Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo bahwadaagta caalamiga ah. Qorshahan cusub ayaa diiradda lagu saarayay xoojinta dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta nabad waarta. Sidoo kale, waxa uu qorshuhu qeexayaa istiraatiijiyad cad oo lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Hoggaamiye Jibriil ayaa ugu baaqay shacabka iyo daneeyayaasha kala duwan in ay ka qeyb qaataan hirgelinta qorshahan si loo xaqiijiyo mustaqbal xasilloon oo horumar leh.  
La wadaag