Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐ ๐ฎ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฐ๐๐ซ๐๐๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ฐ๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

Muqdisho,(SONNA):- Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Ahna Kusimaha Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, isagoo xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda, Mudane Cabdiqaadir Cumar Macallin iyo Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Cabdiqaadir Maxamed.
โDhankooda, masโuuliyiinta xilka la kala wareegay ayaa laga filayaa inay sii ambaqaadaan dadaallada lagu horumarinayo waajibaadka Wasaaradda, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta hayโadaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ahโ Ayuu yiri Mudane Jibriil oo hadal-jeedin ka sameeyay munaasabadda.
Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil ayaa sheegay in qorshaha istaraatiijiyadeed ee xukuumadda ay qeyb weyn ka yihiin dadaallada lagu tayeynayo maamulka iyo adeegyada dekedaha iyo gaadiidka badda, si loo gaaro horumar waara oo waafaqsan danaha iyo mudnaanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.















