Wararka
Wasiir Maareeye oo la kulmay Ganacsatada Beeraleyda Soomaaliyeed

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta kulan la yeeshay ganacsatada beeraleyda Soomaaliyeed, kulankaan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta wax soosaarka beeraha, helitaanka suuqyada cusub iyo xoojinta fursadaha ganacsi ee wax soosaarka gudaha dalka.
Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay fursadaha ka dhalan kara suuqa cusub ee Dowladda Cumaan ay dhawaan qorsheyneyso inay furto, kaas oo ganacsatada Soomaaliyeed la siin doono fursad ay ku soo bandhigaan wax soosaarka gudaha dalka, Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo jeediyay in la sameeyo guddi iskaashi kaas oo ka kooban Wasaaradda iyo ganacsatada beeraleeyda u qaabilsan suuq geynta iyo iibinta wax soosaarka., tallaabadan ayaa la filayaa inay xoojiso xiriirka ka dhexeeyo wax soosaareyaasha iyo suuqyada, isla markaana fududeyso helitaanka suuqyo joogto ah.
Wasiirka ayaa sheegay muhiimada ay leedahay helitaanka suuqyo lagu iibiyo wax soosaarka beeraha, maadaama dalab suuq oo joogto ahi dhiirrigelin karo beeraleyda, kordhin karo wax soosaarka gudaha, isla markaana abuuri karo fursado dhaqaale iyo shaqo abuur hor leh.
Kulankaan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee lagu horumarinayo wax soosaarka beeraha, xoojinta iskaashiga dowladda iyo ganacsatada, laguna ballaarinaayo suuq-geynta wax soosaarka Soomaaliyeed, si dalka u gaaro isku filnaansho cunto iyo koboca dhaqaale.















