Gudaha
GUDDIGA DIFAACA EE GOLAHA SHACABKA OO KULAN ISLA-XISAABTAN AH LA YEESHAY WASIIRKA GAASHAANDHIGGA

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee korjoogtaynta iyo la-xisaabtanka waxa uu kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo saraakiil.
Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Dhookir, ayaa diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan mushaarka laga jaray, xuquuqda agoonta iyo naafada Ciidanka Xooga Dalka iyo sidoo kale caqabadaha kale ee saameeya daryeelka ciidamada.
Guddigu ayaa adkeeyey in aan la aqbali karin in xuquuqda iyo mushaaraadka askarta naftooda u huray difaaca dalka, iyo sidoo kale agoonta iyo naafada ciidanka la dhimo, iyada oo aan si buuxda loo tixgelin duruufahooda iyo xuquuqda ay leeyihiin.</p><p>Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, ka fogaanshaha ku milanka siyaasadda, ka hortagga adeegsiga khaldan ee ciidamada, iyo caqabadaha la xiriira darajooyinka ciidanka oo u baahan xal waara.
Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa bogaadiyey Wasiirka iyo howl-wadeennada Wasaaradda Gaashaandhigga sida daahfurnaanta leh ee ay u soo bandhigeen caqabadaha jira iyo xalalka loo baahan yahay, waxaana ugu dambeyn Guddiga iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda ay isku afgarteen in la joogteeyo kulamada isla xisaabtanka iyo korjoogtaynta ah, si loo xoojiyo hufnaanta shaqada Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, loona xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda ciidamada iyo horumarinta awoodda difaaca dalka.





















