calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Guddiga Xuquuqul Insaanka oo ka digay faafinta wararka been abuurka ah

Guddiga Xuquuqul Insaanka oo ka digay faafinta wararka been abuurka ah
Guddiga Xuquuqul Insaanka oo ka digay faafinta wararka been abuurka ah — SONNA
Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, ayaa ka digtay in khataraha sii kordhaya ee ka dhasha adeegsiga aan la xakameyn ee baraha bulshada oo ay ka mid yihiin faafinta wararka aan saxda ahayn, tacaddiyada dijitaalka ah, iyo xadgudubyada kale ee la xiriira online-ka, ay sii wiiqayaan xuquuqaha aasaasiga ah ee bulshada. Iyadoo ka hadleysay madal uu qabtay Machadka Heritage oo looga hadlayay khataraha baraha bulshada, maamulka iyo badqabka dijitaalka, ayay ku nuuxnuuxsatay in ilaalinta xuquuqaha ka jira goobaha dijitaalka gaar ahaan xorriyadda hadalka, karaamada aadanaha iyo asturnaanta ay tahay mas’uuliyad wadajir ah oo ay wadaagaan dowladda, shirkada ganacsiga ee gaarka loo leeyahay, bulshada rayidka ah iyo bulshada isticmaalaysa. Dr. Maryam waxay ku baaqday in la xoojiyo maamulka iyo maareynta dijitaalka, lana adkeeyo isla-xisaabtanka xogta baraha bulshada, isla markaana la kordhiyo wacyigelinta dadweynaha, si loo hubiyo in baraha bulshada ay noqdaan goobol ilaaliya xuquuqda dadka halkii ay ka noqon lahaayeen meel waxyeello u geysata bulshadeena, gaar ahaan dhallinyarada.
La wadaag