Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan xog-wareysi ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka
    June 14, 2026
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ
    June 14, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya
    June 14, 2026
    Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada 
    June 14, 2026
    TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA 
    June 14, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Garsoore Cumar Cartan waxaa laga yaabaa inay sidaasi kheyr ugu jirto
    June 10, 2026
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub
    June 13, 2026
    Bulshada Soomaaliyeed oo ka falcelisay soo celinta Garsoore Cumar Cartan
    June 11, 2026
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
Reading: Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
GudahaMaqaalladaWararka

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 9, 2026
5 Min Read
Share

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya wuxuu muwaadiniinta u dammaanad qaadayaa xuquuqda isu imaatinka iyo bannaanbaxa nabadeed. Tani waa xuquuq muhiim ah oo ay tahay in la ixtiraamo. Shacabka, mucaaradka iyo cid kasta oo aragti qabta waxay xaq u leeyihiin inay si nabad ah u muujiyaan fikirradooda.

Hase ahaate,  xuquuq kasta waxaa la socda masuuliyad, iyo xad jaangoynaya. Bannaanbax nabadeed micnihiisu ma aha/kama dhigna, in qof ama koox ay magaalada ka dhigaan meel aan la maamuli karin. Sido kale,  Ma aha in la xiro waddooyinka muhiimka ah, la hakiyo shaqada bulshada, la carqaladeeyo ganacsiga, ama la geliyo shacabka xaalad cabsi iyo amni-darro.

Dalalka reer Galbeedka ee aan inta badan tusaalaha u soo qaadanno, bannaanbaxyadu uma dhacaan si iska furan oo aan nidaam hagaya lahayn. Qabanqaabiyeyaasha waxay la xiriiraan booliska iyo maamulka deegaanka. Waxaa la isku raacaa goobta, waqtiga, jidka la mari karo, ilaalinta amniga, iyo sida loo badbaadinayo dadka bannaanbaxaya iyo shacabka kale. Ujeeddaduna ma aha in la aamusiiyo cidda bannaanbaxaysa, balse waa in la ilaaliyo xuquuqdooda iyo xuquuqda dadka kale labadaba.

Marka la eego bannaanbaxii mucaaradku qorsheeyeen 4-tii Juun ee Muqdisho, dowladda ma aysan oran/odhan “ma bannaanbixi kartaan.” Taas beddelkeeda, banaanbaxa si mid agaasiman u noqdo, waxay u astaysay goobo cayiman oo bannaanbaxu si nabad ah uga dhici karo, waxayna sheegtay inay sugi doonto amniga shacabka, ka qaybgalayaasha iyo hoggaanka mucaaradka. Taasi waa tallaabo macquul ah.

Muqdisho waa caasimaddii dalka. Waa xarunta dowladda, ganacsiga iyo adeegyada muhiimka ah. Sidoo kale waa magaalo weli ka soo kabanaysa dagaallo, qaraxyo iyo amni-darro muddo dheer soo jiitamaysay. Sidaas darteed, dowlad kasta oo masuul ah waxa  waajib ku ah, xilna ka saaranyahay, inay ka hortagto/hor-istaagto xaalad kasta oo   qas iyo qalalaase  dhalin karta.

Haddii mucaaradku yiraahdaan/leeyihiin “goob kasta iyo goor kasta ayaan bannaanbax ka dhigi karnaa,” ama “toban goobood ayaan isku mar ka bannaanbaxaynaa,” taasi ma aha xuquuq si masuuliyad leh loo adeegsanayo, waxayna isu bedeli masuuliyad darro. Banaanbaxyada/abaabulka bulsho  ee jaanta roganta ah,  waxay  curyaamin karaan magaalada oo dhan, sida isu socodka, ganacsiga, waxbarashada, adeegyada caafimaadka iyo shaqada dadka masaakiinta/muruqmaalka  ah ee maalin kasta nolol maalmeedkooda raadsada.

Isla dhanka kale, Haddii ay xaalad amni darro dhacdo/dhalato, waddooyin xirmaan,  gurmadka caafimaadka xanibmo,  ganacsiga  khasaaro gaarto, ama haddii rabshad timaaddo, isla dowladda ayaa lagu eedeyn lahaa inay dayacday amniga shacabka, iyo kaalinteedi dowladnimo, sidaas darteed, dowladdu waxay xaq u leedahay, waajibna ku ah inay bannaanbaxyada u dejiso nidaam macquul ah.

Ujeedadana  ma aha in shacabka ama mucaaradka laga hor istaagayo xuquuqdooda, laakinse  waa in la hubiyo in  xuquuqdaas loo isticmaalo si nabad ah, sharci ah, oo aan dhaawac u geysan dadka kale iyo bananbaxayasha. Bannaanbax nabadeed waa in laga dheehdaa mid nabdoon inuu yahay asaaliibtiisa oo dhan, sida: qorshihiisa, howraartiisa,halbeeggiisa,  hannaankiisa iyo himiladiisa, waxaase loo bahaan yahay iney kala caddaadaann waxa ay  mucaaradku xaqa  u leeyihiin ee ah iney dowladda dhaliisheeda sheegaan, aragtidooda dhiibtaan, taageerayaashoodana abaabulaan, laakiin se aaney iska noqonin yaacdo, wajigaa furan ah.

Hoggaamiye masuul ah ma aha kan dadka waddooyinka ku soo daadiya iyadoo aan qorshe iyo nidaam cad jirin. Hoggaan masuul ah waa kan la shaqeeya hay’adaha amniga, ka fogaada kicinta, ilaaliya dadka taageersan, kana hortaga in bannaanbaxa loo beddelo qalalaase, Dowladduna dhankeeda waa inay mar walba ixtiraamtaa xuquuqda bannaanbaxa nabadeed. Waa inay la hadashaa shacabka, caddeysaa sababta go’aannadeeda, kana fogaataa awood aan loo baahnayn.  Bannaanbaxu ha ka dhaco goob cayiman, waqti cayiman iyo nidaam cayiman, ma aha cabburine Waa masuuliyad dowladeed.

Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay dowladnimo, nidaam iyo tartan siyaasadeed oo bisil. Qof kasta oo dalkiisa jecel waa inuu fahmaa in xuquuqda iyo nidaamku ay wada socdaan. Xuquuq aan nidaam lahayn waxay isu beddeli kartaa fowdo. Nidaam aan xuquuq lahaynna wuxuu isu beddeli karaa cabburin. Sida saxda ahi waa in labadaba la ilaaliyo: xuquuqda shacabka ee bannaanbaxa iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray:Mohamed Ali-Mire (Cowke) iyo Hassan Abdikarim- Ottawa Canada

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan xog-wareysi ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka

Baydhabo,(SONNA):- Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan isugu jiray…

June 14, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Xoogga ayaa dilay 40 xubnoodka tirsanaa Khawaarijta

Muqdisho (SONNA) Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga deegaanka ayaa ku dhawaad 50-Khawaarij ah ku dilay howlgal ay ka sameeyeen…

GudahaWararka
December 18, 2022

Puntland oo ka digtay roobab dabeylo wata oo suurtagal ah in ay ka da’aan gobollada qaar

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada,ayaa lagu sheegay in la saadaalinayo in roobab mahiigaan ah oo…

Wararka
September 30, 2020

Shirka wadamada ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo la soo gabangabeeyey

Kampala (SONNA): Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, 26-27 Abriil…

GudahaWararka
April 27, 2023

Wasiiru-dawlaha Ganacsiga oo ka qeyb galay Madasha caafimaadka Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiiru-dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa maanta ka qeyb-galay madasha caafimaadka Muqdisho…

GudahaWararka
June 10, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023