Gudaha
Hoggaamiyaha KGS oo ka qeyb galay Munaasabadda soo bandhigista Waxqabadka 100-maalmood ee xukuumadda

Baydhabo,(SONNA),Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka 100-ka maalmood ee ugu horreeyay Xukuumadda Dowladda Koonfur Galbeed.
Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Koonfur Galbeed Maamulka Gobolka Baay, Kan Degmada Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa lagu soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan waxqabadka Xukuumadda muddadii 100-ka maalmood ahayd, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dadaallada Dowladda ee dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadannimada.
Sidoo kale waxaa munaasabadda lagu faahfaahiyay qorshayaasha iyo barnaamijyada ay Xukuumaddu mudnaanta siisay, caqabadihii la kulmay iyo tallaabooyinka la qaaday si loo dardargeliyo howlaha Dowladda iyo adeegyada ay u hayso shacabka.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa bogaadiyay dadaallada iyo shaqada ay qabteen Golaha Wasiirrada iyo dhammaan hay’adaha Dowladda muddada 100-ka maalmood ah, isagoo ku adkeeyay in la sii ambaqaado qorshayaasha horumarineed, lana xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha Maamulka.
Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in mudnaanta koowaad ee Dowladda ay tahay sugidda amniga, xoojinta dowladnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo sidii shacabka Koonfur Galbeed ay u heli lahaayeen adeegyo dowladeed oo tayo leh.





















