Gudaha
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

Muqdisho(SONNA);-Diyaargarowga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka socda xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta lagu wadaa inay doortaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaddib markii uu xilka banneeyay Guddoomiyihii hore, Sheekh Aadan Madoobe, oo loo doortay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.
Doorashada waxaa ku tartamaya laba musharrax oo kala ah Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo hadda haya xilka Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada).
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo la hadlay warbaahinya Qaranka ayaa yiri “Saaka waxaan halkaan u joognaa inaan codeyno oo aan dooranno Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS
Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Dhabancad “Soomaaliya waxay soo martay rabshado iyo caqabado badan, balse Baarlamaanka 11-aad wuxuu go’aansaday in arrimaha dalka laga eego dhanka wanaagsan, lana qaado tallaabooyin horseedaya nabad, xasillooni iyo horumar.”
Hadda, xarunta Villa Hargeysa ee Golaha Shacabka waxaa ka socda qabanqaabadii ugu dambeysay ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.



