Gudaha
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo soo bandhigay warbixin baariseed lagu sameeyay hay'adaha dowladda

Muqdisho,(SONNA):- Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta soo bandhigay 38 warbixin baariseed oo daboolaya hantidhowristii uu Xafiisku ku sameeyay hay’adaha dowladda.
Baarista Xafiiska Hantidhowrka Guud uu soo bandhigay ayaa isugu Baarisyada Maaliyadda, U-hoggaansanaanta Sharciga, Waxqabadka, Nidaamka Macluumaadka, Mashaariicda ay Maalgeliyaan Deeq-bixiyeyaasha Caalamiga ah, Warbixinta Deeqda aan Lacagta ahayn iyo Warbixinta Isku-dhafka ah ee Dabagalka Fulinta Talooyinka Hantidhowrka.
Dhammaan mashruucyada la baaray, waxaa maalgeliya deeqbixiyaasha caalamiga ah, kuwaas oo kala ah:
• 𝟐𝟐 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐮.
• 𝟕 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.
• 𝟏 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐧𝐝𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚.
Baarista mashaariicdan ayaa qayb ka ah xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maamulka maaliyadeed ee mashaariicda lagu maalgeliyo deeqaha.



