Gudaha
Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS oo la kulmay George Conway

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, George Conway.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta deegaanka, la-tacaalidda isbeddelka cimilada iyo hirgelinta mashaariic istaraatiiji ah oo lagu horumarinayo dalka.
Sidoo kale, labada dhinac waxay ka wada hadleen diyaar-garowga ka qaybgalka dalkeenna ee Shirka Caalamiga ah ee COP31, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay shirka kaga qaybgasho mowqif mideysan si kor loogu qaado fursadaha lagu heli karo maalgelin iyo taageero caalami ah oo la xiriirta la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo hirgelinta qorshayaasha mudnaanta u leh dalka.







