Gudaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray tababar ku saabsan filim-sameynta

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta,Dhaqank iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaaasim Naxamuud ayaa maanta soo xirnay tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta, kaas oo ay ka faa'iideysteen filim-sameeyayaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa.
Wasiirka ayaa Jaamacadda Minneapolis (African Studies Department), FEPACI, Somali Film Institute iyo Ururka Qalanjo uga mahadceliyay dadaalkooda iyo iskaashiga ay ku horumarinayaan warshadaha filimka Soomaaliyeed.
" Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa taageerada horumarinta hal-abuurka, dhaqanka iyo kobcinta xirfadaha jiilka cusub ee filim-sameeyayaasha Soomaaliyeed", ayuu yiri Wasiir warfaafinta XFS oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka oo uu kaga qeyb galay aaladda fogaan-aragga ee ( Zoomka).






