Wararka
Soomaaliya oo walaalaha Masar uga tacsiyeysay shilkii Tareen ee ka dhacay dalkaasi

Muqdisho-(SONNA)-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kaddib shilkii tareen ee 8-dii Nofeembar 2026 ka dhacay magaalada Giza, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo.
Dowladda Soomaaliya waxay murugada la qeybsaneysaa walaalaheeda reer Masar xilligaan adag.
Waxaan Alle uga baryaynaa inuu u naxariisto dadkii ku geeriyooday shilka, samir iyo iimaanna ka siiyo qoysaskooda iyo eheladooda ay ka baxeen, halka dadka dhaawacmayna aan u rajaynayno caafimaad degdeg ah oo buuxa.
La wadaag



