Wararka
Danjire Ferhat Alkan oo booqday Dugsiyada Caalamiga ah ee Maarif ee Soomaaliya +SAWIRRO
Danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho Ferhat Alkan ayaa booqday Dugsiyada Caalamiga ah ee Maarif ee Soomaaliya, ee yaalla magaalada Muqdisho.

Dugsiyada oo hoos yimaada Hay’adda Maarif ee Türkiye, ayaa muddo 10 sano ah ka shaqaynayay Soomaaliya, iyagoo leh saddex xarumood oo waxbarasho, isla markaana kumannaan arday ah ka qalinjabiyeen muddadaas.
Dugsiyadan oo sidoo kale haysta aqoonsiga xarun waxbarasho oo ay ansixisay hay’adda Oxford AQA, ayaa ardayda siiya waxbarasho waafaqsan heerarka caalamiga ah, iyagoo u abuuraya fursado waxbarasho oo heer sare ah.
Türkiye waxay sii waddaa maalgelinta mustaqbalka Soomaaliya iyo jiilka soo koraya, iyadoo adeegsanaysa hay’adaha waxbarashada, gaar ahaan Hay’adda Maarif, barnaamijyada deeqaha waxbarasho, waxbarashada farsamada iyo xirfadaha, iyo hawlaha tayeynta awoodda.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Danjire Alkan wuxuu uga mahadceliyey Wakiilka Hay’adda Maarif ee Soomaaliya, Dr. Selçuk Baş, Macallimiinta, Ardayda iyo dhammaan shaqaalaha dugsiyada soo dhoweynta diirran, dadaalka joogtada ah iyo kaalinta ay ka qaataan horumarinta Waxbarashada.
Danjire Alkan ayaa sidoo kale muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay la kulanka Carruurta iyo dhallinyarada, dhageysiga himilooyinkooda iyo rajadooda mustaqbalka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in maalgelinta Waxbarashadu ay tahay maalgelin lagu dhisayo mustaqbal ifaya oo Soomaaliya leedahay.








