Gudaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda, ayaa maanta kormeer ku tegay Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo Kooxda Hobollada Qaranka ee Waabari ay ka wadeen tababarrada iyo bandhigyada faneed loogu diyaar garoobayo munaasabadaha maalmaha Qaranka.
Kormeerka Wasiirka ayaa la xiriiray u kuurgelidda heerka diyaarinta heesaha iyo bandhigyada loogu talagalay toddobaadka xorriyadda, iyadoo Hobollada Waabari ay wadaan diyaargarow xooggan oo lagu xusayo munaasabadaha qaran ee foodda nagu soo haya.
Wasiir Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa bogaadiyey dadaalka fannaaniinta, abwaannada iyo bahda farsamada ee ka shaqeynaya diyaarinta heesaha wacyigelinta iyo kuwa waddaniyadda, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed iyo xusuusinta halgankii dheeraa ee loo soo maray xorriyadda dalka.






