calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo dhagax dhigay mashruuc horumarineed oo weyn, xariggana ia jaray waddo cusub

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo dhagax dhigay mashruuc horumarineed oo weyn, xariggana ia jaray waddo cusub
Wasiirka Howlaha Guud XFS oo dhagax dhigay mashruuc horumarineed oo weyn, xariggana ia jaray waddo cusub — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc horumarineed oo ballaaran, isla markaana xarigga ka jaray waddo cusub oo qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo Caasimadda Muqdisho.

Mashruucan ayaa ka kooban xarun ganacsi oo casri ah (Mall), xaafad degaan oo casri ah (Real Estate), xarumo adeegyo ganacsi iyo beer dalxiis, kuwaas oo laf-dhabar u noqon doona kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha magaalooyinka, kor u qaadista bilicda caasimadda iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Wasiirka ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Deegaanka ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo ganacsatadii maalgashatay hirgelinta mashruucan.

Qorshahan dib-u-habeynta iyo casriyeynta caasimadda wuxuu qayb ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib ugu soo celisay gacanteeda dhulalkii danta guud, kuwaas oo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka loogu qoondeeyey mashaariic horumarineed oo wax weyn ka tari doona adeegga bulshada iyo koboca dhaqaalaha.

Wasiir Ayub Ismail Yusuf ayaa carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhiirrigelinta maalgashiga gudaha, isagoo xusay in maalgashigu yahay tiirka ugu muhiimsan ee dib-u-dhiska dalka, koboca dhaqaalaha iyo xaqiijinta himilooyinka horumarineed ee Qaranka, isla markaana la jaanqaadaya horumarka magaalooyinka casriga ah.

La wadaag