Wararka
Madal khuseysay wacyigalinta bulshada oo Dhuusamareeb lagu qabtay
Maamulka Hay’adda Qaran ee Tubsan ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku qabatay madal ku saabsan dib-u-midaynta bulshada,gaar ahaan dadka iska soo dhiiba kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab.
Madashaan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka Hey’adda Tubsan waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah hoggaamiyaasha bulshada,gaar ahaan ururada dhallinyarada,haweenka,culuma’udiinka iyo waxgaradka.
Agaasimaha Hey’adda Tubsan ee Galmudug Axmed Salaad Ibraahim oo ka hadlay madashaasi ayaa soo jeediyay baaq ku saabsan in laga wada shaqeeyo sidii dadka ka soo baxa kooxaha xagjirka ay ula midoobi lahaayeen bulshada inteeda kale.
Qaar kamid ah dadka ka soo baxay kooxaha xagjirka ah ayaa haatan dib ula midoonay bulshada ku dhaqan deegaanada Galmudug,kadib kolkii loo sameeyay barnaamijyo wacyigalin ah ,iyadoo loo marayo toosinta fikirka iyo caqiidada.

