Gudaha
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Bulshada degmada Ceeldheer

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa caawa kulan guud la qaatay bulshada degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga, horumarka degmada, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay ka-qaybqaadashada shacabka ee geeddi-socodka doorashooyinka.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku bogaadiyey shacabka degmada Ceeldheer taageerada ay u hayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa dhankiisa ku ammaanay shacabka degmada Ceeldheer garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo dardargeliyo howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada loona xaqiijiyo amni waara.

















