Gudaha
Wasiirka Difaaca XFS oo Cisbitaalka Madiina ku booqday Askar ku soo dhaawacmay weerarkii Gaalkacyo

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku booqday askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay weerarkii toddobaadkii hore Hoggaamiyaha Maamulka Puntland uu ku qaaday saldhigga Ciidanka XDS ee magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka ayaa xaaladda caafimaad ee askarta dhaawaca ah ka waraystay dhakhaatiirta iyo maamulka Isbitaalka Madiina, isagoo faray in la siiyo daryeel caafimaad oo dhammaystiran, isla markaana si gaar ah loogu dadaalo daaweyntooda iyo soo kabashadooda.
Wasiir Fiqi ayaa askarta ku bogaadiyay kaalintii geesinimada iyo naf-hurnimada lahayd ee ay sannado badan ka soo qaateen sugidda amniga Puntland iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish xilligii ay ka tirsanaayeen PSF.
Wuxuu xusay in ciidamadani ay muddo dheer u soo adeegayeen difaaca shacabka iyo xasilloonida deegaannada Puntland, isla markaana maanta doortay inay khibraddooda iyo kartidooda ugu adeegaan difaaca iyo amniga guud ee qaranka, ku biiristooda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeedna aysan ahayn dambi ay ku mutaysteen in la weeraro.</p><p>Wasiirku wuxuu adkeeyay in ku biirista Ciidanka XDS ay tahay xaq qaran oo ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jeclaada inay dalkooda u adeegaan, isla markaana aan loo fasiran karin tallaabo liddi ku ah cid gaar ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uusan colaad la lahayn shacabka Soomaaliyeed iyo maamullada dalka ka jira, balse cadawgoodu yahay kooxaha argagixisada iyo cid kasta oo khatar ku ah amniga, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay adkaynaysaa in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu yahay ciidan qaran oo u taagan difaaca dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed, iyo sugidda amniga qaranka meel kasta oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.














