Wararka
Wasiirka Dekadaha oo ugu mahadceliyay Golaha Wasiirrada Ansixinta Heshiiska Is-afgaradka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Masar

Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Heshiiska Is-afgarad ee Iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda saaraya horumarinta iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo dekadaha.
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa si weyn ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada ansixinta heshiiskan muhiimka ah, isagoo tilmaamay in tallaabadan ay xoojinayso dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka iyo kobcinta xiriirka caalamiga ah.
Heshiiskan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta dekadaha, is-dhaafsiga khibradaha farsamo, kobcinta awoodda hay’adaha, iyo sare u qaadista hannaanka gaadiidka badda, iyadoo la waafajinayo heerarka iyo iskaashiga caalamiga ah ee waaxda badaha.
Ansixinta heshiiskan waxaa uu qayb ka yahay, dadaallada istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo siyaasadda guud ee Xukuumadda DanQaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyo kor u qaadista doorka Soomaaliya ee ganacsiga iyo isu-socodka badaha.
Sidoo kale, heshiiskan wuxuu taageerayaa hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), isagoo gacan ka geysanaya horumarinta danaha qaranka, kobcinta tartanka dekadaha Soomaaliyeed, iyo sare u qaadista kaalinta Soomaaliya ee gobolka iyo caalamka marka la eego gaadiidka badda iyo adeegyada dekedaha.



