calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee dhinaca difaaca, hawlgalada ka dhanka ah argagixisada, xaaladda kala-guurka ee hawlgalka AUSSOM iyo arrimo kale oo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa kulanka ku xusay inay jiritaan qorshayaal iyo dhagarro ay horboodayaan dhinacyo shisheeye oo ka dhan ah amniga iyo xasilloonida dalka, kuwaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhow ula socoto, isaga oo caddeeyay in aan la oggolaan doonin in ajendayaashooda gurracan ay ka hirgalaan dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale Dowladda Shiinaha uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay mowqifkeeda cad ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, iyo diblomaasiyiin ka socday Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

La wadaag