Wararka
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Gaaray magaalada Tripoli si uu uga Qayb galo Shirka Golaha Fulinta ee CEN-SAD

Tripoli(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, halkaas oo la filaayo in uu kaga qayb galayo shirka Golaha Fulinta ee Ururka Bulshada Dalalka Saaxil iyo Saxaraha (CEN-SAD), kaas oo furmaya maanta.
Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa dib u habeynta iyo dib u qaabaynta hay'adaha ururka, iyadoo wasiirradu ka arrinsan doonaan qorshayaasha lagu xoojinayo qaab dhismeedkiisa ka hor shir madaxeedka xiga ee hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah.
Dowladda Soomaaliya oo ururka xubin ka ahayd tan iyo sannadkii 2001, ayaa kulanka ku soo bandhigi doonta aragtida iyo doorka Geeska Afrika ee dadaallada lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo is dhexgalka dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah ururka.



