Gudaha
Wasiirka Amniga Gudaha oo daah-furay Shirka Amniga Labada Heer ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalk

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta daah-furay Shirka Wadatashiga Amniga Labada Heer ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, si loo dardargeliyo dadaallada lagu sugayo amniga, xasilloonida iyo nabadgelyada dalka.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Shire, ayaa sheegay in shirka laga filayo qodobo iyo go’aanno muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta amniga, laguna mideynayo dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara oo dalka ka hanaqaada.








