Wararka
Taliyaha ciidanka Dhulka oo Muqdisho kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Turkiga

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya, habraaca iyo sharafta ciidamada ayaa lagu maamuusay soo dhaweynta Taliyaha iyo wafdigiisa.
Booqashadan ayaa muujinaysa xiriirka qotada dheer ee walaaltinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo saldhig u ah iskaashi ballaaran oo dhinacyada amniga iyo difaaca ah.
Dowladda Turkiga ayaa door muhiim ah ka qaadatay dib u dhiska, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, kobcinta awoodda ciidamada iyo xoojinta iskaashiga difaaca.
Xiriirka labada dal ayaa si joogto ah u sii xoogeysanaya, iyadoo la dardargelinayo wada-shaqeynta amniga iyo la dagaallanka khataraha wadajirka ah.
Booqashadan ayaa sii xoojin doonto xiriirka labada ciidan iyo iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada iyo is-dhaafsiga khibradaha, taas oo gacan ka geysan doonta adkeynta amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.



