Wararka
Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo xoojinaya xiriirka labada dhinac ee Golaha Fulinta Midowga Afrika
Labada Wasiir waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku saabsan mudnaanta Midowga Afrika, nabadda gobolka iyo iskaashiga horumarineed.

Addis Ababa:-Mudane Abdisalam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa wadahadalo labo-geesood ah la yeeshay Mudanaha Sylvie Baipo Temon, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuriyadda Afrika Dhexe, intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta ee 49aad ee AU ee ka socda magaalada Addis Ababa.
Labada Wasiir waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku saabsan mudnaanta Midowga Afrika, nabadda gobolka iyo iskaashiga horumarineed.
Mudane Sylvie Baipo Temon waxay mar kale xaqiijisay taageerada joogtada ah ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika u hayso Madaxbannaanida, midnimada, Xuduudaha iyo Madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, iyada oo caddeysay muhiimadda ay leedahay inay mabda’iyadan la ilaaliyo sidii aas aas loogu dhigi lahaa xasiloonida gobolka iyo nidaamka caalamiga ah ee ku saleysan xeerarka.
Madaxdu waxay sidoo kale Carrabka ku adkaysay in ixtiraamka mabaadi'daas uu saldhig u yahay xasilloonida gobolka iyo ilaalinta nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan xeerarka.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday guul iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go'an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyagoo sii wadi doona wada hadallada iyo iskaashiga dhow ee ay ka yeeshaan Midowga Afrika iyo fagaarayaasha kale ee caalamiga ah.



