Wararka
Soomaaliya iyo Austria oo iska kaashanaya horumarinta adeegyada socdaalka
Soomaaliya waxay doonaysaa inay horumarin ku samayso Hay’adda Socdaalka

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ), Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa maanta Muqdisho ku soo dhaweeyay isla markaana kulan kula qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka dalka Austria, Mudane Gernot Maier, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Agaasimaha Guud ee HSJ, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta labada hay’adoood. Sidoo kale Agaasimaha ayaa xusay in Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay ku jirto geeddi-socod dib-u-habeyn iyo casriyeyn ballaaran, oo muhiim u ah in la helo iskaashi caalami ah oo taageera dadaallada lagu horumarinayo adeegyada socdaalka iyo maamulka xuduudaha dalka.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Austria, Gernot, ayaa uga mahadceliyay HSJ soo dhoweynta iyo fursadda ay u heleen wadashaqeynta labada hay’adood.










