calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Shirka Wadatashiga Amniga Qaranka oo lagu soo geba-gebeeyay Muqdisho

Shirka Wadatashiga Amniga Qaranka oo lagu soo geba-gebeeyay Muqdisho
Shirka Wadatashiga Amniga Qaranka oo lagu soo geba-gebeeyay Muqdisho — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Shirka Watashiga Amniga Qaranka re labada heer Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo labadii maalin ugu dambeysay ka socday magaalada Muqdisho una dhaxeeyay Wasaaradda Amniga XFS iyo Dowlad Gobolleedyada dalka ayaa maanta la soo geba-gebeeyay, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga XFS Maxamed Xasan Shire ayaa soo xiray geba-gebada shirka, wuxuuna sheegay in shirka si habsami u socday una soo idlaaday, isaga oo u mahadceliyay dhammaan qeybaha kala duwan ee shirka ka soo qeyb galay.

Agaasimaha Waaxda la-dagaallanka Dembiyada Abaaulan ee wasaaradda amniga gudaha XFS Cabdullaahi Faarax Siyaasi ayaa warbaauinta u akhriyay war-murtiyeedka ka soo baxay shirka.

" Shirka inta uu socday waxaa lagu lafa-guray qodobo aad muhiim u ahaa oo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, mashruuca wadajirka Booliiska ee wejigiisa kabaad, sharciga Booliiska Soomaaliyeed, qorshaha istiraatijuyadda labada heer, hirgelinta qorshaha Booliska labada heer, howsha iyo waajibaadka Booliska ilaalada xeebaha, xasillinta goobaha la xoreeyay ee ay ka howlgallaan ciidamada Daraawiishta Soomaaliyeed, Booliseynta shacabka iyo ka qeyb galka haweenka Booliska,".

Sidoo kale, qodobada shirka ka aoo baxay waxaa qeyb ka ah kordhinta xirfadaha iyo tababarka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, qaabka dhismeeska amniga qaranka iyo waxaa kale oo shirka looga dooday howlaha nadiifinta iyo miino saarka qaranka.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa waxaa ka qeyb galay wasaaradaha amniga gudaha ee labada heer, Talisyada Booliiska, waxaanna shirkan inta badan diiradda lagu saaraa qodobada muhiimka ah ee hor-tebinta u leh horumarinta amniga iyo xasillinta Dalka.

La wadaag