Gudaha
Shirka Khubarada Militari ee dalalka ciidamada ku taageera Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Militari ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo gogol-xaar u ah Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta qorshe hawleed wadajir ah oo lagu dhaqangelinayo go’aamadii Shir Madaxeedkii Gaarka ahaa ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee Kampala ka dhacay, laguna dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, wadaagista xogaha sirdoonka iyo isku-duwidda awoodaha iyo agabka ciidamada.
Guddoomiyaha Guddiga Khubarada Militari, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa sheegay in qorshuhu xoojinayo wadajirka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, AUSSOM iyo dalalka ciidamada ku taageera hawlgalka, si loo wiiqo awoodda argagixisada loona adkeeyo amniga Soomaaliya iyo kan gobolka.
Qorshaha ay khubaradu diyaariyeen ayaa loo gudbiyay Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca si ay dib u eegis ugu sameeyaan una ansixiyaan, wuxuuna saldhig u noqon doonaa wejiga xiga ee hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada, laguna xaqiijinayo xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka.



























