Wararka
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray Bankiga horumarinta Soomaaliya
Bankigan wuxuu Xoogga saarayaa soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Somaaliyeed ee Muqdisho. Waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha SDRB, Marwo Hodan Cusmaan, iyo Agaasimaha Guud, Mudane Aadan Rooble.
Intii ay booqashadu soctay, madaxda iyo shaqaalaha SDRB waxay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka la wadaageen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan habka uu Bankigu u wajahayo dib-u-soo-nooleynta qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha Soomaaliya, horumarka la gaaray iyo jihada istaraatiijiyadeed ee Bankiga.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ammaanay horumarka SDRB sameeyay, isaga oo xusay doorka muhiimka ah ee Bankigu ku leeyahay dhismaha hannaan taageeraya dib-u-dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.







