Gudaha
Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalka

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad uu jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa kaga hadlay xaaladda dalka, guulaha laga gaaray amniga, dagaalka Khawaarijta, horumarinta hannaanka dimuqraadiyeynta, hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod iyo dadaallada lagu xoojinayo wada-hadallada siyaasadeed iyo midnimada dalka.
Madaxweynaha ayaa marka hore si qoto dheer uga hadlay arrimaha doorashooyinka dimuqraadiyeynta dalka, wuxuuna sheegay in oorashooyinkii dalka uga dhaceen si nabad ah, iyadoo shacabka Soomaaliyeed si weyn uga qeyb qaateen.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo wadahadallada lagu go'aaminayo masiirka ummadda,isagoo carabka ku adkeeyay in markasta ay furan yihiin in wadahadal lagu dhammeyo xalka dalka.
"Wadahadalka Siyaasadeed markasta waa noo furan yahay, kala aragti duwanaantu waxay leedahay xal wadahal".
ugu dambeyn, Dagaalka Khawaarijta ayuu tilmaamay in ay meel wanaagsan marayaan, kuwaas oo argagixisada looga saaray deegaanno badan oo iminka laga dareemayo neecowda nabadda iyo Dowladnimada.



