calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo madax kale oo ka qaybgalay Tacsida Imaam Maxamed Yuusuf

Madaxda ayaa goobta kula kulmay ehellada marxuumka iyo masuuliyiin kale

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo madax kale oo ka qaybgalay Tacsida Imaam Maxamed Yuusuf
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo madax kale oo ka qaybgalay Tacsida Imaam Maxamed Yuusuf — SONNA

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo masuuliyiin kale, ayaa saxiixay buugga tacsida ee loo furay Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf.

Madaxda ayaa goobta kula kulmay ehellada marxuumka iyo masuuliyiin kale, iyagoo tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qoyska iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale, madaxda ayaa ku ammaantay Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf doorkii muuqday ee uu ku lahaa adkeynta nabadda, mideynta bulshada iyo xoojinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Waxay Alle uga baryeen inuu janadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelladiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan.

La wadaag