Wararka
MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG… See more

Dhuusamareeb.SONNA…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka Galmudug, taasi oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku dul istaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, xoojinta dowladnimada, horumarinta dimuqraadiyeynta iyo qorshaha dalka looga hirgalinayo doorashooyin toos ah ee muwaadiniintu ku dooranayaan hoggaankooda.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu bogaadiyey doorashooyinkii taariikhiga ahaa ee sida nabadda iyo ilbaxnimada leh uga qabsoomay Galmudug, kuwaasi oo laba jeer oo xiriir ah muujiyey horumarka laga gaaray geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta hannaanka doorashooyinka qof iyo codka ah, isaga oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee ku yimid codka shacabka Galmudug.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhageysiga iyo tixgelinta aragtiyada siyaasadeed ee kala duwan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in aan marnaba laga tanaasulkarin mabda' shacabka soomaaliyeed dib loogu celinayo xaqooda dastuuriga ah ee doorashada hoggaankooda.




