Wararka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb
Hoggaamiyaha Dowladda-Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa magaalada Dhuusamareeb si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in uu magaaladaasi uga qaybgalo munaasabadda caleemo-saarka ee madaxda cusub ee Dowladda-Goboleedka Galmudug.
Socdaalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ku wehelinaayay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo kala duwan.
La wadaag

