calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shinaha uga qeybgalay bandig ganacsi

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shinaha uga qeybgalay bandig ganacsi
Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shinaha uga qeybgalay bandig ganacsi — SONNA

Wafdi heer Federaal ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana kooban Wasaaradaha dhaqaalaha dalka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ka qayb-galay Bandhigga Caalamiga ah oo ku saabsanaa fursadaha ganacsi, maalgashi iyo wax-soo-saarka dalalka kala duwan ee caalamka.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Jamaal Maxamed Xasan, iyadoo wasaaradaha qaabilsan dhaqaalaha ee dalka ay halkaasi ku soo bandhigeen wax-soo-saarkooda, khayraadka dabiiciga ah iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

Intii uu socday bandhigga, dhinaca Soomaaliya waxaa si gaar ah diiradda loo saaray wax soo saarka khayraadka macdanta dalka iyo noocyada kala duwan ee laga helo dhulka Soomaaliyeed,gaar ajaam macdanta biraha (Metallic Minerals, macdanta dhagaxaanta qaaliga ah (Gemstones),Dhagaxaanta qurxinta iyo kuwa qiimaha leh.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee bandhiggan wuxuu fursad u yahay in caalamka loo soo bandhigo baaxadda khayraadka dabiiciga ah ee dalka, isla markaana indhaha maalgashadayaasha caalamiga ah lagu soo jeediyo fursadaha ka jira dalka..

Sidoo kale, bandhiggan wuxuu qayb ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka ganacsi ee caalamiga ah, dhiirrigelinta maalgashiga shisheeye iyo kobcinta wax-soo-saarka dalka.

La wadaag