calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Ra’iisul wasaare Xamse oo lagu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Dhuusamareeb joogaa maalmaha soo socda

Ra’iisul wasaare Xamse oo lagu soo dhoweeyey Dhuusamareeb
Ra’iisul wasaare Xamse oo lagu soo dhoweeyey Dhuusamareeb — SONNA

Dhuusamareeb (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa safar shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu maalmaha soo socda ku sugnaan doono.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa si diirran usoo dhoweeyay Hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Agaasimaha hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo qeybaha kala duwan bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa daarran xoojinta dowlad-dhiska , isaga oo inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb kulammo la qaadan doona hoggaanka dowlad-goboleedka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

La wadaag