Wararka
Madasha Hoggaanka Warbaahinta Qaranka oo looga hadla xaqiijinta goobo shaqo oo ammaan ah

Muqdisho (SONN): Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Madasha Hoggaanka Warbaahinta Qaranka ee ku saabsan sinnaanta jinsiga iyo xaqiijinta goobaha shaqo ee ammaan ah, taas oo qabsoontay 11-ka iyo 12-ka November. Madasha waxaa ka soo qaybgalay 43 xubnood oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada; wakiil ka socday Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka; agaasimayaasha warbaahinta ee Muqdisho iyo Dowlad-goboleedyada; tifaftirayaasha; haweenka suxufiyiinta ah iyo u-doodayaasha xuquuqda warbaahinta.
Madashan oo qayb ka ah hawlo uu taageerayo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), maalgelinna ka helaya Midowga Yurub (EU), ayaa loo qabtay in la isu keeno hoggaanka warbaahinta iyo dejiyeyaasha siyaasadaha, si looga wada hadlo caqabadaha ay haweenka suxufiyiinta ahi kala kulmaan goobaha shaqada iyo guud ahaan mihnadda warbaahinta, gaar ahaan xaaladaha shaqo iyo horumarinta xirfadeed. Ujeeddadu waxay ahayd in la helo is-afgarad ku saabsan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo sinnaanta jinsiga, caddaaladda xaaladaha shaqada iyo abuurista goobo shaqo oo ammaan ah, kana caagan dhibaataynta iyo tacaddiyada.
Doodaha madasha ayaa ku billowday hadallo siyaasadeed oo ay jeediyeen Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Professor Saalim Cali Ibraahim. Intaas kaddib, ka qaybgalayaasha waxaa loo soo bandhigay warbixinta sahanka degdegga ah ee lagu qiimeeyey xaaladaha shaqo ee haweenka suxufiyiinta ah. Wasiirradu waxay warbixinta ku tilmaameen xog muhiim ah oo gacan ka geysan karta wax ka qabashada xaaladaha adag ee ay haweenka suxufiyiintu wajahaan. Ka qaybgalayaashu waxay falanqeeyeen natiijooyinka warbixinta iyo saamaynta ay ku yeelan karaan hay'adaha warbaahinta, gaar ahaan sidii looga hortagi lahaa loogana jawaabi lahaa dhibaataynta iyo takoorka ka dhaca goobaha shaqada.
Doodaha waxaa sidoo kale saldhig u ahaa waayo-aragnimada haweenka hoggaanka ka haya warbaahinta, oo ay ka mid ahaayeen Farxiya Maxamuud Yuusuf, Agaasimaha Radio iyo TV-ga Banaadir; Farxiya Murad, Tifaftiraha Bilan Media; Maryan Seylac, Agaasimaha Fulinta Ururka Haweenka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMWA); Naciima Xasan Cabdi, Xoghayaha Abaabulka ee NUSOJ; iyo suxufiyiin kale oo haween ah. Waxay wasiirrada, agaasimayaasha warbaahinta iyo tifaftirayaasha kala doodeen sinnaanta jinsiga, takoorka, xaaladaha shaqo ee liita iyo badbaadada haweenka suxufiyiinta ah, oo ay ku jirto ka ilaalintooda tacaddiyada iyo dhibaataynta galmada.
Iyadoo laga duulayo natiijooyinka sahanka iyo doodihii madasha, ka qaybgalayaashu waxay falanqeeyeen qodobada muhiimka ah ee ku jira Siyaasadda Tusaalaha ah ee Goobaha Shaqada ee Ka Hortagga Dhibaataynta iyo Takoorka. Iyadoo loo marayo dood kooxeedyo, waxay dib u eegeen qabyo-qoraalka siyaasadda, waxayna ku biiriyeen talooyin iyo aragtiyo, kuwaas oo markii dambe loo soo bandhigay dood guud iyo ansixin. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii hay'adaha warbaahintu u qaadan lahaayeen siyaasaddan, u xoojin lahaayeen ilaalinta shaqaalaha, isla markaana ula socon lahaayeen fulinta talooyinka la soo jeediyey.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa yiri: “Horumarinta xaaladaha shaqo ee dhammaan suxufiyiinta, oo ay ku jiraan haweenku, waxay ahayd mudnaan ii gaar ah. Marar badan ayaan arrintan ka hadlay, maadaama aan aaminsanahay in suxufiyiintu mudan yihiin xaalado shaqo oo wanaagsan. Warbixinta ay soo bandhigtay NUSOJ waxay xaqiijinaysaa arrimaha aan hore u maqalnay una aragnay, iyadoo muujinaysa in caqabadahani yihiin kuwo baahsan. Dowladda iyo hay'adaha warbaahintu waa inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii xaaladdan loo beddeli lahaa. Qof kasta oo halkan jooga waxaa saaran mas'uuliyad ah inuu xaqiijiyo in haweenka suxufiyiinta ahi si ammaan ah u shaqeeyaan, si buuxdana uga qaybqaataan mihnadda, isla markaana ay gaaraan jagooyinka hoggaamineed. Warbaahin qiimeysa sinnaanta, ilaalisana haweenka suxufiyiinta ah, waa warbaahin awood badan oo si wanaagsan ugu adeegi karta bulshada.”
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Professor Saalim Cali Ibraahim, ayaa yiri: “Shaqo hufan iyo ka ilaalinta shaqaalaha dhibaataynta iyo takoorka waa xuquuq ay tahay in loo siman yahay dhammaan dadka ka shaqeeya warbaahinta. Kaddib markii aan dhageystay doodaha, lana ii soo bandhigay warbixintan, waxaan idiin xaqiijinayaa in Wasaaraddeennu ay door toos ah ku leedahay dhaqan-gelinta Xeerka Shaqada ee cusub iyo xaqiijinta badbaadada iyo caafimaadka goobaha shaqada ee haweenka ka shaqeeya warbaahinta. Waa inaan si wadajir ah u xoojinno siyaasadaha goobaha shaqada, si shaqaaluhu u ogaadaan hababka ay ku soo gudbin karaan cabashooyinkooda, ugana heli karaan taageero. Haddii hal haweeney oo suxufiyad ahi ay goobta shaqada ku dareento ammaan-darro, markaas qofna ammaan ma aha. Arrintani waa mid la xiriirta xuquuqda shaqaalaha oo ay naga go'an tahay inaan wax ka qabanno, waxaana ka mid ah kormeerka goobaha shaqada.”
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ), Cumar Faaruuq Cismaan, ayaa yiri: “Madashu waxay isu keentay suxufiyiinta shaqeeya, maamulayaasha warbaahinta, u-doodayaasha xuquuqda warbaahinta iyo masuuliyiinta dowladda ee dejinta siyaasadaha, si ay u falanqeeyaan caqabadaha la xiriira sinnaanta jinsiga iyo khataraha amni ee wajahaya haweenka suxufiyiinta ah, isla markaana ay uga doodaan xalal wax ku ool ah. Dhibaatooyinka jira waa kuwo aan wada ognahay. Waa inaan, annagoo ku shaqaynayna iskaashi xirfadeed iyo is-garab-istaag, doodahan u beddelnaa tallaabooyin xoojinaya ilaalinta shaqaalaha iyo fursadaha loo siman yahay. Horumarinta xaaladaha shaqo ee haweenka suxufiyiinta ahi waxay sidoo kale gacan ka geysan kartaa hagaajinta guud ahaan xaaladaha shaqo ee mihnadda warbaahinta.”
Ka qaybgalayaashu waxay muujiyeen go'aan adag oo cad oo ku aaddan wax ka qabashada caqabadihii lagu ogaaday sahanka iyo doodihii madasha. Ballanqaadyadaas waxaa ka mid ahaa horumarinta sinnaanta jinsiga, hagaajinta xaaladaha shaqada iyo xoojinta tallaabooyinka looga hortagayo dhibaataynta iyo takoorka ka dhaca goobaha shaqada ee warbaahinta.



