calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari — SONNA

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maalintii labaad ee uu ku sugan yahay Laascaanood uu kulan miro-dhal ah la yeeshay Isimmada, kaas oo looga hadlay dowlad-dhisidda, xoojinta nabadda iyo midnimada dalka.Wuxuu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Isimmada dhaqanku ku leeyihiin nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo dowlad-dhiska, isagoo ugu baaqay Isimmada dhaqanka inay sii laba jibaaraan kaalintooda ku aaddan xasilloonida, wada noolaanshaha iyo midnimada dalka.

FB_IMG_1785753067649.jpgFB_IMG_1785753069908.jpg

La wadaag