Wararka
Ololaha doorashada Galmudug oo sii xoogaystay
Guddiga doorashooyinka ayaa ku jira qabashada doorashada Galmudug oo ka kooban golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada

Cadaado (SONNA): Musharaxa urur siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa galabta gaaray degmada Cadaado, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey, isagoo khudbad u jeediyey madaxa iyo qaybaha bulshada ee soo dhoweeyey.
Safarkiisa waxaa ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda heer federaal, mas’uuliyiin ka tirsan JSP iyo marti sharaf kale.
Dhinaca kals Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Towfiiq Sheekh Maxamedshaakir Cali Xasan ayaa isna gaaray degmada Huurshe ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.
Sidoo kale Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Sincad Eng Maxamuud Khaliif Jabiye iyo xubnaha ururkiisa ayaa olole doorasho ka wada degmada Cabdudwaaq.
Degmada Gaalkacyo iyana waxaa gaaray musharixiin u taagan xilka golaha wakiilada Galmudug.
















