Wararka
NISA oo gacanta ku dhigtay dhagarqabayaal maleegayay falal amniga lid ku ah

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay Sagaal dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab,
Xubnahan ayaa ku howlanaa qorsheynta falal amniga lid ku ah oo ay doonayeen in ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.
Dhagar-qabeyaashan ayaa si dhuumaaleysi ah ugu sugnaa degmooyinka Garasbaaley, Kaxda iyo xaafado ka tirsan Ceelasha Biyaha.
Afar ka mid ah waxa ay ahaayeen shabakad isku xiran oo qorsheynaysay falal argagixiso oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, laguna qalqal-gelinayo amniga iyo xasilloonida caasimadda.
Sirdoonka Hay’adda NISA ayaa muddo si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqyada iyo qorsheyaasha xubnahan, waxaana dabagal iyo xog-ururin kaddib lagu guuleystay in mid kasta lagu qabto goobtii uu ku sugnaa, waxaana hadda ku socda baaritaanno, iyada oo kaddib loo gudbin doono Hay’adaha garsoorka si sharciga loo waafajiyo.
Hay’adda NISA waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed ee mar walba la wadaaga xogaha la xiriira khataraha amniga, waxayna markale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta badqabka muwaadiniinta.



