Gudaha
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday Horjooge Idiris

Muqdisho,(SONNA):- Maxkamadda Ciidamada qalanka sida ayaa maanta markale Xun ka soo saartay Kiiska Horjooge Idiri Maxamed Sheekh Maxamed ( Cabaaa, Abuu Maxamed), kaas oo lagu eedeeyay kamid ahaanshiyaha argagixisada iyo in uu qeyb ka ahaa Shirqoolo loo maleegay shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed, tan iyo soo ifbixii Khawaarijta oo uu kasoo noqday Horjoogaha Degmooyinka Diinsoor, Berdaale, Baydhabo iyo Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale, horjooge Idiris, waxaa lagu eedeeyay in uu Xubin ka ahaa Golaha Shuurada ee Argagixisada.
Hay’addaha Amniga Soomaaliya oo la socday Dhaq-dhaqaaqyada Idiris, ayaa u soo gacan galay, xilli uu isaga gudbi rabay Gobollada dhexe iyo Koonfurta dalka, waxaana laga soo qabtay Deeganka Mareer-guur ee Hoostaga Degmadda Dhuusa-mareeb, Labaatan iyo Sideedii bishii July 2024.
Baaris dheer ka dib, Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday Qaadista kiiskaan. Afartii Bishii December 2025 Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada QS, ayaa ku xukuntay Idiris Maxamed Sh Maxamed 15 sano oo xabsi argagixiso ah.
Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada, ayaa ka qaatay racfaan Xukunkii lagu riday Horjooge Idiris, Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo dhageysatay Kiiska Idiris, fursad simana siisay dhinacyada dacwada, ayaa ugu dambeyn Go'aan ka soo saartay Kiiskaan, iyaddoo Horjooge Idirs Maxamed Sh Maxamed (Cabaas, Abuu Maxamed ) lagu xukumay Xabsi Daa’in (Cimrigaa haku furto).
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Sareeye Guuto Liibaan Cali Yarow ayaa warbaahinta u akhriyay go'aanka horjoogan.



