Gudaha
Mashruucyo waa weyn oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha oo laga fulinayo Dekadda Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali Xaaji Maxamed iyo Eng. Ismaaciil Aw Muuse, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Turkiga iyo shirkado waaweyn oo ka shaqeeya kalluumeysiga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta mashruuca kalluumeysiga oo ay hore ugu heshiiyeen Soomaaliya iyo Turkiga.
Wafdiga, waxay sidoo kale booqdeen qaybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho si ay u qiimeeyaan kaabeyaasha lagu fulin doono mashruucan muhiimka u ah horumarka dhaqaalaha dalka.













La wadaag



